Dhaqso uga bax bogga!
Su’aalo iyo jawaabo

Gabadheyda saaxibkeed hore miyaan kamaseyr sanahay?

Jag är svartsjuk på min tjejs förra kille - somaliska

Su´aal

Waxaan arkay sawirada wiilkii horay saaxibka u la ahaa gabadheyda. Hadda waxaa mar walba isu barbar dhigaa aniga iyo isaga. Run ahaanti, ma raba in la ii xusuusiyo noolasheeda ka hor inta aan wada kulmin, sabatoo ah aad baan u maseyrayaa. Maxaan sameeya?

Jawaab

Ma badali kartid xiriirka ay horay u laheyd gabadhaada ka hor intaadan kulmin. Waxaad ku dadaali kartaa inaad sidaa ogolaatid. 

Wey sahlan tahay inaad ilawdid xusuustaada ku saabsan xiriiryadii hore. Taa ma adaay ku khuseysaa?

Waa caadi inaad isku barbar dhigto qoftaada saaxibkeed hore. Laakiin ku dadaal inaad ku fikirtid waxyaaba aad adiga ku fiican tahay. Ku fakar in saaxibkeed uugu dambeeyay uusan khatar ahayn. Waxaad qof kalee ood uuga duwan. Hadda waad is xulateen, adiga ayeyna hadda kula joogta. Ku baashaal!

Waad u sheegi kartaa qoftaada in ay kuugu adkeyd argtida sawirada. Laakiin ku dheh wax dhibaata ah maleh. Waa inaad keydsataa sawiradaada hore. 

Maseyr waa wax dadka inta badan ay dareemaan. Laakiin maseyr saaid ah waa xalaad ku adag labada lamaana.

Mararka qaar maseyrka wuxuu ku xiran yahay isku qanac sanaan darada shakhsiga, ama waxaad ismooda inaadan fiicneen ama ku habooneen xaalad. 

Waad ku dadaali kartaa inaad xoojisid isku qanacsanaantaada, aadna wakhtigaada fiican ku qaadatid sida iyo xaaldda aad tahay. Markaas maseyrka wuu kaa yaraanayaa. 

Dheeraad ku saabsan Youmo

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare