Dhaqso uga bax bogga!
Su’aalo iyo jawaabo

Khamri intee leeg ayaan cabi karaa?

Hur mycket alkohol kan jag dricka? - somaliska

Su’aal

Waxaan ahey wiil 19 sanno jir ah. Fiidkii waxaan cabbaa khamri si aan hurdo u helo. Waa wax si wanaagsan ii caawiya Ma sakhraamo laakiin, waxaan dareemaa daganaansho si aan u gamo'. Intee in leeg ayaan cabbi karaa iyaddoo aan waxyeelo u geysanayn jidhka?

Jawaab

Ma qabo inaad wax khamro ah dhamaantedba cabto. Nooc kasta iyo qadar kasta waxay khamradu jidhkaaga u keenaysaa dhaawac ka badan marka la garab dhigo faa'iidada. Xataa haddii aad is leedahay waxaa kuu degaaya maskaxda, ayaan jidhkaagu sidaas si la mid ah u deganaaneyn. Waxaad ahaan doontaa mid ka kaadi badan haddii aad cabto khamrada, halkaad cabbitaan kale ka cabbi laheyd. Marka aad habeenkii hurdada ka toosto si aad u soo kaadido, ayaa hurdadaadii dheereyd lagaa kicinayaa iyadoo wax ka xun aad seexanayso.

Waxa jira siyaabo ka wanaagsan oo aad iskugu dejin karto oo aad seexato. Waxaad taas badelkeeda isku deydaa inaad habeen walba seexato wakhti isku mid ah, qolkaad seexanayso qaboow ka dhig oo dhageyso muusik qabow markaad seexanayso. Moobaylka iska dhig oo xidh kombiyuterka wakhti ka hor inta aanad sariirta tagin.

Ka fikir sidoo kale waxaad dareemayso. Miyey jiraan wax walbahaar ah, warwar ama xanaaq ku galinaaya? Kaa dhigaaya inaanad deganeyn? Waxaad adigu markasta la xidhiidhi kartaa rugta caafimaadka ama ungdomsmottagning oo aad halkaa la hadli kartaa la taliyaha, dhakhtarka maskaxda ama dhakhtar. Kuwaas ayaa runtii kaa caawin kara wax ka wanaagsan dhowr khamri ah.

Current articles

Mawduuc

Talooyin lagu siinaayo si aad si fiican ugu seexato

Waxa muhiim ah in si wanaagsan loo seexdo si loo caafimaad qabo. Laakiin waxa caadi ah in marmarka qaarkood aan loo seexan si wanaagsan. Taasi waxay tusaale ahaan ku xidhan tahay inaad warwarsan tahay iyo in warwar aad qabto. Halkan ayaad ka ogaan kartaa waxaad sameyn karto si aad si ka wanaagsan ugu seexato, iyo waxaad caawimo heli karto.

Mawduuc

Filim: Talooyin si aad uga wanaagsanato

Miyaad ogsoon tahay inaad adigu sameyn karto waxyaalo kala duduwan si aad uga wanaagsanaato (sidii aad dareen fiican u dareemi lahayd) oo aad tamar ka badan ugu hesho? Halkan waxa ku qoran afar talooyin!

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare