Dhaqso uga bax bogga!
Galmada

Su’aal: Ma u xun tahay jirka in La siigeysto?

Är det dåligt för kroppen att onanera? - somaliska

Su’aal

Waxaan maqley iney noqon karto wax u xun jirka in lasiigeysto, iyo in aad noqoto mid daciif ah oo buka. Ma run baa? Ma laga yaabaa in ey aad u adkaato in aad hesho caruur hadii aad siigeysato?

Jawaab

Maya, uma xuma jirka in la siigeysto. Ma noqon doontid mid daciif ah ama buka. Kama dhigeyso in ey kugu adkaato in aad lahaato caruur. Siigeysiga uma xuma jirkaada ama caafimaadka sinnaba.

Xitaa haddii aad maqashey qaar kaloo leh waa wax xun sigeysiga, ma ahan wax jira oo run ah. Waxaan dhihi lahaa waa hab fiican ee loo galmoodo. Waxaa jira faa'iidooyin badan oo ay siigeysiga leedahay:

 

  • Waxey ka dhigeysa nafsadaada in aad fahanto wixi fiican.
  • Waa hab fudud oo aad ku qanci karto rabitaankaaga galmada.
  • Ma u baahnid lamaane aad la siigeysato.

Ku dhawaad dadkoo dhan wey siigeystaan. Qaar ka mid ah waxay sameeyaan inta badan, dadka kalena si dhif dhif ah ayey u sameeyaan. Lakiinse ku dhawaad qof kasta wuu sameeya.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare