Dhaqso uga bax bogga!
Jidhka

Xubinta taranka dumarka

Snippan - somaliska

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa qeybaha kala duduwan ee xubinta taranka dumarka iyo sida ay xubinta taranka dumarku u shaqeyso. Xubinta taranka dumarka waa qeyb jidhka oo wanaagsan taas oo kaaji karta,caadadu ka timaado, galmo sameyn karta, carruurta ka soo dhalatto oo dareen wanaagsan leh.

Snippan visad i genomskärnig från sidan så man ser hur det ser ut på insidan. Utsatt med pilar finns äggstock, äggledare, urinblåsa, klitoris, livmoder, slida och analöppning. Illustration.

Dadka ayaa hoostodu kala duduwan tahay sida jidhka intiisa kale. Xubinta taranka dumarka ayaa yeelan karta midabo kala duduwan, dherer kala duduwan iyadoo timo kala duduwan ka bixi karaan. Waxa caadi ah in la yeesho calaamado iyo dhibco kala duduwan oo xubinta taranka dumarka ku yaala.

Lagama arki karro xubinta taranka dumarka inaad galmo sameysay ama aad wax gudaha siilka galisey.

Ku eeg muraayad

Miyaad garanaysaa sid ay xubinta taranka dumarka u eeg tahay? Waxaad muraayad dhigi kartaa dhulka iyadoo aad ku kabaloodsanayso oo aad eegayso.

Qeybaha kala duduwan ee xubinta taranka dumarka

Waxaad arki kartaa qeybaha xubintaada taranka dumarka ee dibada ku taala. Qeybaha kale ee xubinta taranka dumarku waxay ku jiraan gudaha jidhka.

Xubinta taranka dumarka waxa uu ka bilowdaa waxoogaa yar caloosha hoosteeda. Waxay u eegtey sida kuus yar oo jilicsan iyadoo ay timo ka baxaan haddii aad qaangaadhay.

Sawiradu waxay tusayaan meesha ay qeybaha kala duduwan ku yaalaan.

Snippan visad rakt framifrån mellan särade ben. Utsatt med pilar finns uppifrån och ner: klitoris, inre  blygdläpp, yttre blygdläpp, hålet där kiss kommer ut, slida och analöppning. Illustration.

Kintirka

Waxa ku dhagan wax sida buro yar oo kale ah xagga ugu sareysa ee meesha ay debnahu iskaga yimaadaan. Waa qeybta dibada ee kintirka. Qeybta weyn ee kintirku waxay ku jirtaa gudaha. Dhamaan kintirku waa mid dareenka galmada u nugul.

Daloolka ay kaadidu ka timaado

Daloolka ay kaadidu ka timaado waxa uu ku yaalaa qeybta hoose ee kintirka hoostiisa.

Siilka

Daloolka ay kaadidu ka timaado hoostiisa waxaad ku leedahay dalool ka weyn, afka hore ee siilka. Siilku waa sida kanaal qoyan oo jilicsan, kaas oo ilaa ilmo galeenka isku furan. Gudaha ayuu iskaga yara laalaaban yahay. Dhamaan siilku waa mid jilicsan oo fidi kara tusaale ahaan markaad kacsato.

  • Waxa siilka ka soo baxa dareere qooya oo nadiifisa siilka.
  • Waxa sidoo kale siilka afkiisa hore ka soo baxa dheecaan marka aad kacsato. Siilku waa uu qoyaa, iyadoo salaaxida iyo galmadu ay ugu dibyaraato oo ay ugu macanaato.
  • Waa siilka meesha uu ka soo baxaayo dhiigu marka aad caadada leedahay.
  • Waa siilka meesha faraha ama gusku uu galayaa markaa galmooneyso.
  • Waa siilka meesha uu ilmahu ka soo dhashaa.

Ilmagaleenka

Siilka waxa uu ku geeyaa ilmagaleenka. Afka hore ee ilmogaleenka ayaa marmarka qaarkood loo dareemi karaa sida inuu fiix yar oo ku taala siilka xagiisa hoose ay tahay. Ilmagaleenka ayaa ugxan bac rimtey lagu qaabili karaa iyadoo ay uurkujir ku dhex koreyso haddii aad uur leedahay.

Ugxan mareenka iyo ugxan sidaha

Ilmagaleenka dushiisa waxa ku yaala ugxan mareenka iyo ugxan sidaha. Ugxan sidaha waxa ku jira unugyo badan oo ugxan ah kuwaas oo noqon doona ugxan.

Dabada

Badadu waa dhamaadka malawadka waana halkaas meesha uu xaarku ka soo baxayaa.

Qeybo badan oo xubinta taranka dumarka ka mid ah ayaa taabashada lagu dareemaa

Qeybo badan oo meelaha xubinta taranka ee dumarka agtooda ayaa tabashada aad ugu dareen badan. Gaar ahaan markaad kacsato. Waxaad dareen ku raaxaysi galmada ka heli kartaa qeybaha kala duduwan. Eeg waxaad adigu xiiseynayso.

Xubinta taranka dumarku siyaabo kala duduwan ayay u ekaan kartaa

Xubinta taranka dumarku ayaa koritaankeedu dhamaadey markuu qaangaadhku dhamaado. Taasi waxay dhacdaa marka qiyaas ahaan loo dhaxeeyo 16 ilaa 18 sanno jir.

Xubinta taranka dumarku qiyaasteedu wax micno ah uma sameynayso sidaad ugu raaxaysanayso galmada. Adiga iyo qofka aad la sameynasyo toona.

Ku meydh Xubinta taranka dumarku biyo diiran

Ku meydh xubinta taranka dumarku biyo diiran. Hal mar maalintii ayaa ku filan. Waxaad adigu qubeysigaama maydhaa (dhaqdaa) siilka xataa markaad leedahay caada. Ha isticmaalin saabuun maadaama oo ay saabuuntu qalajin karto maqaarka. Waxaad hoosta marin kartaa saliid aan laheyn cadar haddii ay qalalntey.

Ma jirto wax la yidhaa xuubka bikirka

Dad badan ayaa aaminsan inuu jiro xuubka bikirka ah oo ku dahaadhan siilka. Sidaas ma aha taasi. Afka hore ee siilka ayaa siyaabo kal aduduwan u eekaan kara, laakiin ma jiro wax xuub bikir ahi.

Dad badan ayaa sidoo kale aaminsan in ay marka ugu horeysa ee galmo la sameeyo ay dhiigto. Dadka intooda badan ma dhiigaan galmada ugu horeysa. Haddii ay ku dhiigto ayay taasi ku xidhan tahay inuu siilku isku dhagan yahay, waxa laga yaabaa inaanad aad u kacsaneyn.

Lagama arki karro siilka iyo meel kale oo jidhkaaga ka mid ah inaad galmo sameysay ama aad wax gudaha siilka galisey. Xataa dhakhtar ayaan arki karin.

Adiga go'aaminaaya maareynta jidhkaaga

Xuubka bikirka ah iyo inay dhiigto marka galmoda ugu horeysa la sameeyo ayaa ah khuraafaad lagu kantarool galmada gabdhaha.

Ma aha ok in qof go'aamiyo marka aad galmo haysto, iyo cida aad la yeelanayso. Adiga go'aaminaaya maareynta jidhkaaga.

Gudniinka xubnaha taranka – gudniinka dumarka

Gudniinka xubnaha taranka waxa weeye caado meelo badan oo aduunka laga isticmaalo. Waa mamnuuc Swiidhan iyo wadamo badan oo dunida. 

Gudniinka xubnaha taranka waxay micnaheedu tahay in qeybo ka mid ah xubinta taranka dumarka la gooyo ama la dhaawaco. Qeyb ka mid ah kintirka iyo qeybaha gudaha ee debnaha siilka ayaa la geyn karaa. Debnaha siilka ayaa la isku toli karaa iyado kaiya dalool yar oo xagga hoose ah kaadida iyo caadada loo reebo. Waxa sidoo kale ay noqon kartaa in qof dhaawacay kintirka iyo meelaha ku dhowdhow.

Gudniinka xubnaha taranku waxay keeni kartaa dhibaatooyin kala duduwan. Haddii lagu sameeyey Gudniinka xubnaha taranka waxaad tusaale ahaan yeelan kartaa xanuun hoosta. Waxa ku dhibi karta oo ku xanuuni karta markaad kaajeso ama caadadu kaa timaado. Ma dareemaysid raaxo inaad iska keento ama galmooto. Waxaad yeelan kartaa xanuun maskaxda.

Waxa jirta caawimo wanaagsan oo la heli karro o qofka dugniinka xubnaha taranka loo sameeyey ee xanuunsanaaya.

Haddii aad rabto inaad qof wax weydiiso ama aad rabto in lagu baadho

Miyaad qabtaa su'aalo ku sabsan xubinta taranka dumarka? Mise miyaad wax ka cabsooneysaa? Markaas aya wanaagsantey in la raadsado caawimo si aad jawaab uga hesho.

Waxaad sidoo kale tagi kartaa ungdomsmottagning, rugta caafimaadka, maqaarka iyo cudurada galmada, hooyooyinka, rugta caafimaadka dumarka ama qaabilaadda uu joogo dhakhtarka dumarku. Waxaad taggi kartaa xarunta aad rabto ee dhamaan wadanka oo dhan ku taala.

Waxa wanaagsan in caawimo la raadsado haddii aad qabto mid ka mid ah kuwan:

  • Haddii aad xanuun ama dhibaatooyin kale qabto.
  • Haddii ay ku cuncuneyso oo ay xanuuneyaan oo ay dabnaha siilkuna ku bararsan yihiin.
  • Aad leedahay dheecaad ur xun leh, dheecaan cad oo fudad yar leh, ama dheecaan midabo kale leh oo huruud, cagaar, bunni, ama dhiig ku jiro xiliga aanad caadada laheyn.
  • Waxaad leedahay xanuun badan marka aad caadada leedahay ama waxad qabtaa dhibaato kale oo caadada ku lug leh.
  • Haddii aad qabto su'aalo ku sabsan gudniinka xubnaha taranka.
  • Haddii aad galmo sameysay aanad is ilaalin oo aad is leedahay waxaad qaaday cudurdada xubnaha taranka.
  • Haddii aad leedahay dhibco ama calaamado ku cuncunaaya ama ku xanuunaya.
  • Waxaad dareemeysaa in wax adag debnaha siilka kaaga jiraan.

Waxa lagaa baadhi karaa xubnaha taranka dumarka haddii aad u baahan tahay taas. Baadhitaanka noocan ah waxa loo yaqaan baadhitaanka caafimaadka dumarka. Cid kale ma aha inay eegto ama ogaato inaad baadhitaanka caafimaadka dumarka aad sameysay.

RFSU: Xubinta taranka dheddigga

Kani waa filim ka socda RFSU.

RFSU: Xuubka bikrada

Kani waa filim ka socda RFSU.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Sawiro taxan: Ma jiro wax xuubka bikirka ahi

Lama arki karro lagamana dareemi karro siilka, haddii tusaale ahaan, aad galmo sameysay ama aad isticmaashay tampong (cudbiga dhiiga caadada ka nuuga siilka). Dadka intooda badan ma dhiigaan marka ugu horeysa ee ay galmo sameeyeaan, maxaa yeelay siilku waa uu furan yahay.

Mawduuc

Sidan ayaad samaynaysaa haddii aad u baahan tahay daryeel

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka marka ay u baahan yihiin. Soo wac 112 haddii aad adigu ama qof kale uu qabo dhaawac ama cudur nolosha u halis ah.

Mawduuc

Waxyaalaha kahortagga uurka

Waxa jira siyaabo kala duduwan oo la iskaga ilaaliyo in uur loo qaado. Muuqaalkan waxaad ka arki kartaa waxyaalaha ugu badan ee la isku ilaaliyo.

TAad bogga xaggiisa sare