Dhaqso uga bax bogga!
In caawimo la raadsado

Sidan ayaad samaynaysaa haddii aad u baahan tahay daryeel

Så kan du få vård - somaliska

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka marka ay u baahan yihiin. Soo wac 112 haddii aad adigu ama qof kale uu qabo dhaawac ama cudur nolosha u halis ah.

En ung person sitter och pratar i telefon.

1177

Waxaad soo wici kartaa 1177 habeen iyo maalinba marka aad u baahan tahay talo iyo caawimo haddii aad adigu ama qof kale xanuunsanaayo. Halkaas ayaad ka ogaan doontaa nooca daryeelka aad adigu u baahan tahay, iyo meesha xarunta caafimaadka ama rugta gargaarga degdegi ee kuugu dhow ku taalo. Waxaad sidoo kale tagi kartaa 1177.se oo aad ka raadsan kartaa xarunta caafimaadka.

Vårdcentral

Marka aad bukto ama qabto su'aalo ku sabsan caafimaadkaaga, la soo xidhiidh xarunta caafimaadka. Mar marka qaar waxa la yidhaa hälsocentral, sjukstuga, husläkarmottagning ama distriktsläkarmottagning. Halkan ayaad u tageysaa cudurada ugu badan iyo su'aalaha caafimaadka. Waxaad adigu tagi kartaa xarunta caafimaadka ee aad rabto ee ku taala wadanka oo dhan.

Ungdomsmottagning

Ungdomsmottagningen waxa loogu tallo galay dhaman dadka u dhaxeeya qiyaas ahaan 13 iyo 25 sanno. Halkan ayaad ka akhriyi kartaa waxa lagaaga caawin karro ungdomsmottagningen.

Elevhälsa

Elevhälsa waa daryeel caafimaad oo laga helo dugsiyada. Halkaas waxa markasta ka shaqeeya kalkaaliso, iyo marmarka qaar la taliye dhakhtar iyo dhakhtarka dhimirka. Waxaad caawimo ka heli kartaa wax yaalo badan. Tusaale ahaan in aad ka hadasho wax adag ama caawimo ka hesho haddii ay calooshu ku xanuunayso ama qof wax kugu dhuftey.

112 – alaarmka SOS

Wac telefoonka 112 haddii qof noloshiisu khatar ku jirto. Tusaale ahaan haddii adiga ama qof kale uu shil ku dhaawacmo ama uu si kadis ah ugu dhaco.

Daryeel caafimaad degdega ah

Adeega gargaarka degdagu waxa uu furan yahay habeen iyo maalinba. Waxa uu ku yaalaa cisbitaalka. Sjukhus kan också kallas lasarett. Waa in aad rugta gargaarka degdega u tagto wax yaalaha aan sugi karin oo kaliya. Tusaale ahaan haddii ay kugu adagtey in aad neefsato ama shil kusoo gaadhay. Wac telefoonka 1177 si aad u ogaato rugta gargaarka degdega ee aad aadayso.

Rugta leh takhasuska khaaska

Waxa jira ruggo leh takhasus khaas ah kuwaas oo aan laga helin xarumaha caafimadka oo dhan. Tusaale ahaan dhakhtarka dhimirka, dhakhtarka indhaha iyo dhakhtarka maqaarka. Waxaad rugta ka helaysaa internedka ama haddad soo wacdo 1177.se.

Barnmorskemottagning

Rugta qaabilaada umulisoyinka waxa ka shaqeeya umulisooyin. Waxa sidoo kale la odhan karaa mödravårdscentral, MVC. Halkaas ayaad tagi kartaa markaad uur leedahay ama aad qabto su'aalo ku sabsan kiniinka uurka joojiya ama wax yaalaha kale ee kahortaga uurka.

Turjumaan

Haddii aanad ku hadali karin af iswiidhishka ayaad xaq u yeelan kartaa turjumaan, si aad ugu fahanto waxa uu dhakhtarka iyo dadka kale ee daryeelka ka shaqeeyaa kuu sheegayaan. U sheeg in aad u baahan tahay turjumaan marka aad qabsaneyso balanta. Wax dheeraad ah ka sii akhri caawimada turjumaanka ee 1177.se.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Sir dhowrista

Qofka shaqaalaha ee aad kula kulanto rugta caafimaadka ma aha inuu kala hadlo qof kale, ama wax rugta lagaaga qorey uu u gudbiyo cid kale. Taas waxa loo yaqaanaa sir dhowrista. Sir dhowristu waxay qabanaysaa dhamaan dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka.

TAad bogga xaggiisa sare