Dhaqso uga bax bogga!
Jidhka

Caadada

Mens - somaliska

Caadadu waxa weeye dhiig ka yimaada ilmo galeenka oo ka soo baxa siilka qiyaas ahaan hal mar bishiiba.

En almanacka där någon ringar in dagar med en röd penna. Illustration.

Goorma ayaan dhiiga caadada helayaa?

Da'da aad dhiiga caadada helayso ayaa badanaa dumarka u kala duwan. Waxay dumarka badankoodu caadada helaan inta u dhaxaysa da'da 11 ilaa 14 sano jirka. Waxaad caado heli kartaa markaad 9 jir ama 16 jir tahay, iyadoo aanay wax khaldan jirin. La xidhiidh xarunta caafimaadka ardayda, ungdomsmottagning  ama xarun caafimaad haddii aanad dhiigga caadada helin markaad 16 jir gaadhay.

Immisa jeer iyo qiyaastii intee inleeg oo dhiig ah ayaa kaa yimaadda?

Caadada ayaa badanaa bishii hal mar kaa timaadda. Laakiin waxa caadi ah in muddo ka dheer ama ka gaaban ay u kala dhaxeyso dhiigga caadada, gaar ahaan inta lagu jiro sanadka koowaad.

Waxay dumarka badankoodu dhiigga caadada lahaadaan saddex ilaa lix maalmood waxaana ka yimaada qiyaastii nus deciliter dhiig ah. Laakiin taas waxa ku kala duwan dumarka. 

Midabka caadada ayaa badanaa casaan noqda maalmaha ugu horreeya, isagoo bunni noqda maalmaha ugu dambeeya.

Xanuunka dhiiga caadada

Waa wax caadi ah in la yeesho calool xanuun maalmaha ugu horreeya ee dhiiggaaga caadadu kaa yimaado. Dumarka qaar ayaa dhabarka, bowdada ama madaxu xanuunaa.

Waxa halkan ku yaala waxyaabo aad isku dayi karto si aad xanuunka hoos ugu dhigto:

  • Tabobar/jimicsi ama dhaqaaq u samee sida aad jeceshahay. Tusaale ahaan, inaad soo lugayso, inaad oroddo ama qoob ka ciyaar sameyso.
  • Wax diiran saar meesha ku xanuunayso.
  • Qaado kiniinka xanuunka bi’iya ee aan warqad uu dhakhtar kuu qoro u baahneyn.
En person ligger på sidan i en soffa och håller sig för magen. Illustration.

Hadaad aad caadada ka hor xanuunsaneyso

Waa caadi in murugo ama xanaaq la dareemo maalmaha ka horeeya caadada. Taas waxa loo yaqaanaa PMS. Sidan ayuu dareenka PMS noqon karaa.

  • Waad murugaysan tahay ama waad xanaaqsan tahay.
  • Waad daalantey.
  • Waxa ku xanuunaaya naasaha.
  • Waxaad ka gaajo badan tahay sida caadiga.

    Waxaad taas ka soo roonaataa marka ay caadadu kaa timaado. Waxa ku caawi kara haddii aad is dejiso oo aad si wanaagsna wax u cunto. Waxa sidoo kale wanaagsan inaad dhaqdhaqaaqdo. 

Waxaad heli kartaa caawimo haddii wax caadadu ku lug leh uu ku dhibaayo.

Marmarka qaarkood ayaad caawimo uga baahan kartaa wax caadadaada ku lug leh. Waxaad la soo xidhiidhi kartaa skolsköterskan, ungdomsmottagning ama vårdcentral. Waxyaabahan ayaa lagaa caawin karaa:

  • Haddii aad aad u dhiigeyso/dhiig baxdo. Markaa ayaa heli kartaa wax kaa caawiya si dhiig yar kaaga yimaado.
  • Dhiigii ayaa istaagey inuu yimaado. Waxa lagaa caawimayaa si loo ogaado sababta.
  • Waxaad leedahay xanuunka dhiigga caadada iyadoo aanu kiniinka xanuunka jabiya ee aan warqad uu dhakhtar kuu qoro u baahneyn waxba kuu tareynin. Markaa waxaad heli kartaa dawo aan warqad uu dhakhtar kuu qoro u baahneyn oo ku caawisa.
  • Dhiigaaga caadada ayaad aad ugu xunuunsatey. Markaa waxaad heli kartaa dawo aan warqad uu dhakhtar kuu qoro u baahneyn oo ku caawisa
  • Waxaad doonaysaa inaad bedesho xiliga caadada ama inaad dhamaanba iska wada joojiso. Markaas waa lagaa caawin karaa taas.
  • Waxaa ku haya xanuun badan, ama xoog ayaad ugu xanuunsanaysaa caadada. Waxaad heli kartaa daawo warqad laguugu qoro oo kaa caawisa.
  • Waxaad doonaysaa inaad bedesho xiliga caadada ama inaad dhamaanba iska wada joojiso. Markaas waa lagaa caawin karaa taas.

RFSU: Caadada

Kani waa filim ka socda RFSU.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Waa maxay caadadu?

Muuqaalka ayaad ku ogaanaysaa waxa jidhka ku dhacaaya markaad caadada hesho.

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

TAad bogga xaggiisa sare