Dhaqso uga bax bogga!
In caawimo la raadsado

Caawimo hadii handadaad ama waxyeelo qoyskaagu kuu gaysteen jinsigaaga ama doorashada galmo darteed (sexuella läggning eller könsidentitet)

Stöd om du är utsatt för hot eller våld av familjen på grund av din sexuella läggning eller könsidentitet - somaliska

Qoyskiinku miyuu ka cabsi qabaa in aad ceebayso hadii aad khaniis, labeeb, mid jinsigiisa badalay ama mid jinsiguu doono u galmoonda ama iska dhigi kara (queer) aad tahay? Dhaqankaaga ama diintaadu miyay yihiin kuwo qoyskaaga iyo bulshada kaa dhex saaraya hadii aad cadeysato qofka dhabta ah ee tahay? Mise waad qarsanaysaa, si aan qarabadaadu handadaad iyo waxyeelo kuugu geysan? Xaq ayaad u leedahay in aad noqoto qofkii aad doonto isla markaana waxaad helaysaa caawimo iyo garab.

Way fiicnaan doontaa xataa hadii aanad aaminsanayn

Filimkan waxa laga sameeyay waraysi laga qaaday dhalinyaro hbtq ah. Laakiin dadka ka muuqda filimka waa jillayaal.

Ka hadal adiga oo lagu qariyay qofka aad tahay

Waa in aad xaaladaada cid uun uga waranto, xataa hadii ay kugu adagtahay. Markaas ayaad heli kartaa taageero. Waxaad dooran kartaa in aqoonsigaaga la qariyo.

Liiska waxa ku taala meel aad cid kala xidhiidhi karto adiga oo lagu qariyay. Dadka ka shaqeeya meeshaas waa kuwo yaqaana sida loo dhagaysto qof xaaladaada oo kale ku jiro. Sidoo kale waxay ku siin karaan talo meesha aad kula kulmi karto dad xaaladaada oo kale ku jira.

  • RFSL Stödmottagning Waxaad tageero  ku helaysaa email ka ama telefoonka iyagoo ku hadlaya luuqado kala duwan. Wac 020-34 13 16.
  • Kärleken är fri Waxaad taageero ku helaysaa chat ka qoraalka lagu wada hadlo iyo emailka.
  • Somaya stödjour Waxaaad taageero ku helaysaa chat qoraalka lagu wada hadlo, email ka iyo telefonka iyagoo ku hadlaya luuqado kala duwan. Wac 020-81 82 83.
  • GAPF – Riksorganisation mot hedersvåld Waxaaad taageero ku helaysaa chat qoraalka lagu wada hadlo, email ka iyo telefonka. Wac 070-000 93 28.
  • Linnamottagningen taageero ayaad telefoonka ku helaysaa. Wac 020-40 70 40.

Waxaad heli kartaa caawin hadii aad ku jirto handadaad iyo waxyeelo

Hay’ada daryeelka bulshada (Socialtjänsten)

La xidhiidh hay’ada daryeela bulshada (socialtjänsten) hadii aad ka baqanayso in ay wax kugu dhacaan, ama aad taageero u bahan tahay  ama in lagaa caawiyo handadaad iyo waxyeelo. Way ku caawin karaan iyagu. Tusaale ahaan waxay ku siin karaan meel amaan ah oo aad udagto si ku meel gaadh ah.

Waxaad ka helikartaa meesha aad kala xidhiidhayso hay’ada daryeelka bulshda (socialtjänsten) website ka kamuunka. Sidoo kale waxaad ka heli kartaa meesha aad kala xidhiidhayso socialtjänsten tusaale ahaan liiska halkan sare yaala.

Markaad caawimaad ka raadsanayso hay’ada daryeelka bulshada (socialtjänsten) waa in aad sheegtaa qofka aad tahay. U sheeg hadii aad ka cabsi qabto in qoyskaagu dhaawac kuu geystaan hadii ay ogaadaan in aad cawimaad raadsatay. Markaas ayay Socialtjänsten ku gaynayaan meel amni ah intaanay la xidhiidhin waalidkaa ama cida masuulka ah ee aad la dagan tahay.

Hay’da daryeelka bulshadu (socialtjänsten) waxay ku khasban tahay in ay la xidhiidhaan cida masuulka kaa ah ee aad la dagan tahay hadii aad ka yar tahay 18 jir. Lakiin khasab maaha in ay u sheegaan wixii aad ku tidhi oo dhan. Marmarka qaar waxii aad sheegtay in kamid ah sir bay noqon kartaa. Tusaale ahaan hadii ay jirto khatar ah in qoyskaagu dhib kuu geysto haday ogaadaan.

112  iyo Booliska

Wac 112 hadii aad khatar degdeg ah ku sugantahay. Ka wac booliska 114 14 hadii aanay degdeg ahayn, ama +46 77 114 14 hadii aad wadanka dibadiisa joogto.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Qoyskeyga go’aan miyuu ka gaarayaa noolasheyda?

Waalidkaaga iyo dadka wakiilka kaa ah waxey mas’uul kaa yihiin ilaa aad ka gaareyso 18 sano jir. Laakiin ma aha iney wax walba kuu go’aamiyaan. Waxaad xaq u leedahay inaad go’aamiso arimaah la xiriira noolashaada. Waydiiso taageerada qof kale haddii qoyska uu rabo inuu go’aamiyo ama kontoroolo noolashaada.

Mawduuc

Filim: Waxaan aaminsanahay in aan wiil ahay

Alex ma dareemayso in ay gabadh tahay, balse wiil oo kale.

TAad bogga xaggiisa sare