Dhaqso uga bax bogga!
Jidhka

Talooyin lagu siinaayo si aad si fiican ugu seexato

Tips för att sova bra - somaliska

Waxa muhiim ah in si wanaagsan loo seexdo si loo caafimaad qabo. Laakiin waxa caadi ah in marmarka qaarkood aan loo seexan si wanaagsan. Taasi waxay tusaale ahaan ku xidhan tahay inaad warwarsan tahay iyo in warwar aad qabto. Halkan ayaad ka ogaan kartaa waxaad sameyn karto si aad si ka wanaagsan ugu seexato, iyo waxaad caawimo heli karto.

En person ligger och sover gott. Illustration.

Waxaad u baahan tahay inaad seexto si jidhkaagu si wanaagsan ugu koro. Waxaad u baahan tahay inaad seexato si difaaca jidhka ee cudurada kaa ilaalinaayaa si wanaagsan ugu shaqeeyo. Maskaxdu waxay u baahan tahay hurdo si ay saani ugu shaqeyso.

Dadka intooda badan waxay saani ugu nastaan markey sideed ama sagaal saacadood hurdaan. Waxa wanaagsan in la seexdo habeenkii, maadaama oo jidhka loo sameeyey inuu seexo habeenkii oo uu soo jeedo maalintii.

Waxyaalahan ayaad sameyn kartaa si aad si ka wanaagsan ugu seexatis

  • Isku dey in aanad maalintii seexan, maadaama oo ay kugu adkeyn karto inaad habeenkii seexato. Kac subaxdii xataa haddii aanad si wanaagsan u seexan habeenkii.
  • Dhaqdhaqaaq samee maalintii, tusaale ahaan adigoo tabobaranaaya ama soo socsoconaaya. Jidhku waxa loo sameeyey inuu dhaqdhaqaaqdo. Waxaad dareemi inaad ka faraxsan tahay oo aad dareemi inaad si ka wanaagsan u seexato haddii aad si kale dhaqdhaqaaq u sameyso.
  • Dibada u bax maalin kasta. Iftiinka maalinta ayaa kuu wanaagsan adiga, iyadoo ay xiliga jiilaalka/qaboobahaq ay muhiim tahay. 
  • Cun cunto aad ku caafimaado. Waxa wanaagsan inaad maalin kasta xiliyo isku mid ah wax cunto. Ha cabin koole, kaafee, cabitanka tamarta leh iyo shaah. Gaar ahaan xiliyada galabtii iyo habeenkii, maadaama oo uu cabitaanku kaa dhigo mid firfircoon. Ha cabin khamri.
  • Miyaad sigaar cabtaa ama buuri cuntaa? Isku dey inaad joojiso ama wax ka yar cab. Sigaarka iyo buuriga waxa ku jira maadada nikootiinka, taas oo kugu adkeyn karta inaad seexato.
  • Isku dey inaad is dejiso hal saac ka hor inta aanad jiifsan. Iska xidh telefoonka iyo kambiyuuterka iyadoo ay tahay inaad bakhtiiso laydhadhka iftiinka badan. Wax cun haddii ad gaajooneyso. 
  • Ka kac sariirta haddii aanad seexan saacad nuskeed. Wax kale samee muddo, sida inaad wax akhrido, wax yar cunto, soo qubeysato ama wax yar soo socsocoto.

Talooyin si aad iskugu dejiso.

Waa ay ka dhib yartahay inaad seexato marka aad degan tahay.

  • Dhaqeyso muusig aad ku qaboobsato.
  • Isku dey inad ka fikirto sidaad u neefsaneyso. Dareen sida aad sanbabada hawo uga buxineyso, oo dareen marka hawadu ka soo baxayso. Si qunyar ah u neefso. 
  • Ahmiyada sii kolba xubin ka mid ah jidhka. Giiji jidhka dhowr daqiiqadood, kadibna sii daa. Waxaad ka soo bilaabi kartaa faraha iyadoo aad soo socon doonto dhinca cagta, kadibna lugta sidaas oo kale u soo wad ilaa intaad jidhkoo dhan wada mareyso.
  • Isticmaal App si aad iskugu dejiso.
  • Galmo samee adigoo biyaha iska saaraaya.

Miyaad qabtaa fikir keenaaya inay kugu adkaato inaad is dejiso? Isku dey in aanay fikirku kaa baqadsiin. Isku dey inaad isku tidhaa: "Taas waxaan ka fikirayaa ama ka hadlayaa barri, markaan firfircoonahey. Laakiin ma aha hadda, maxaa yeelay hadda waan is dajinayaa oo aan nasanayaa."

Dhamaan dadka dhan ayay marmar hurdadu ku adkaataa.

Marmarka qaarkood ayay adkaan doontaa inaad gama'do. Marmarka qaarkood ayaad habeenkii soo kici kartaa oo kadibna aad gami weydaa. Ama waxaad toostaa xili hore markaas oo aanad seexan hurdo kugu filan.  

Sidaas ayay marmar dadkoo dhan ku dhacda. Ma aha wax naadir ah iyadoo iskeed iskaga tagta.

Waxa laga yaabaa inaad xaaladahan iska dhex aragto haddii ay hurdadu kaa xumaato:

  • Waad dareemaysaa daal iyadoo aad niyad jabsantey.
  • Madaxa ayaa ku xanuunaaya.
  • Waxaad dareemaysaa dawakhaad iyo yalaalugo (labolabo)
  • Waxa kugu adag inaad ahmiyada wax saarto iyo inaad wax ka fikirto.
  • Waxaad dareemaysaa cadaadis iyo cadho.

Waxa kugu adkaan karta hurdada haddii uu cadaadis ama warwar ku hayo

Waa caadi inay kugu adkaato hurdadu haddii uu cadaadis, warwar ama niyadjab ku hayo. Tusaale ahaan marka aad imtaxaan dugsiga ah galayso ama aad wax badan ka fikireyso sida ay wax u dhacayaan.

Waa ay adagtey in la is dajiyo maxaa yeelay waxaad wax badan ka fikireysaa waxyaalaha aad ka warwarsan tahay.  Waxa laga yaabaa in aanad si qoto dheer oo wanaagsan u seexan haddii aad seexataba.

Hurdada ayaa ka soo roonaata haddii xaaladku is bedesho.

Waxaad daal kuu keeni kara waxyaalaha xunxun ee aad soo martey

Waa caadi in daal la dareemo haddi aad wax aad u adag soo martey. Markaas ayaad muddo u baahan kartaa inaad seexato wax caadi ka badan. 

Waxa wanaagsan in caawimo la raadsado haddii aad wakhti badan daal dareemayso. Waxaad u baahan kartaa caawimo si aad uga soo roonato. Ka bilow inaad kala hadasho qof kale sidaad dareemayso.

Waxaad heli karta riyooyin xunxun haddaad cabsooneyso ama warwar ku hayo

Waa caadi in lagu riyoodo waxyaalo kaa cabsiiya ama warwar ku galiya. Waxa aad xataa riyooyin xunxun ku riyoon kartaa haddaa xataa haddii uu wakhti badan ka soo wareegay markay waxa xumi kusoo mareen.

Riyooyinka xunxun ayaa hurdadaada kaa qasi kara. Waxa kal ayaabaa inaad toosto oo aad hurdad dib ugu laaban weydo. Waxaad riyada u xasuusan kartaa si cad iyadoo dareenka xun uu kugu sii taagan yahay. 

Waxa la dareemaa wax ka baqdin yar inaad ka fikirto riyad xun maalintii. Waxa wanaagsan inaad ka hadasho riyda, tusaale ahaan saaxiib. Markaas ayay ka dhib yaraan kartaa inaad ku dhiirato inaad habeenkii seexato.

Waxaad adigu heli kartaa caawimo haddii hurdadu kaa xuntey.

Uma baahnid inaad ka warwartid haddii hurdadu marmar kaa xumaato. Laakiin waa inaad caawimo raadsato haddii ay hurdadu kaa xuntey wax ka badan dhowr todobaad.

Waxaad la soo xidhiidhi ungdomsmottagning ama rugta caafimaadka. Waxaad u taggi kartaa kalkaalisad dugsiga ama la taliyaha dugsiga aad dhigato. Shaqaalaha aad la kulmeyso ayaa ku siin kra taageero dheeraad ah haddi loo baahdo. Waxaad tusaale ahaan la haldi kartaa psykolog, kaa caawin kara inaad ka roonato si aad si ka wanaagsan ugu seexatid.

Adiga iyo qofka ku caawinaaya ayaa u baahan inaad soo ogaataan sababata aad sida xun ugu sexanayso. Waxa weeye sababata keenaysa ta lagaa cawinayaa. Adiga ayaa tusale ahaan ka hadli kara waxa kaa cabsiinaaya iyadoo lagaa caawim doono inaad fahanto sida ay kuu saameynayso. Waxaad sidoo kale baran kartaa siyaabaha la isku dajiyo.

Waxa jira daawooyink loo qaato hurdo la'aanta oo ku caawin kara. Waxaad u baahan tahay warqada dhakhtarka si aad u soo qaadato daawooyinkaas. Waa in kuwaas la isticmaalo wakhti yar oo kaliya.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Sidan ayaad samaynaysaa haddii aad u baahan tahay daryeel

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka marka ay u baahan yihiin. Soo wac 112 haddii aad adigu ama qof kale uu qabo dhaawac ama cudur nolosha u halis ah.

Mawduuc

Muuqaal: Istarees, niyad jab, baqdin, PTSD

Halkan waxa lagu qeexayaa siyaabaha kala duduwan ee maskax ahaan wax xun loogu dareemo. Waxa laga yaabaa inaad iska dhex aragto mid ka mid ah? In la xanuunsanaayo ma aha micnaheedu inaad daciif tahay mana ahan wax laga xishoodo. Dadkoo dhammi marmar ayay sidaasi ku dhacdaa. Waxa jirta caawimo wanaagsan oo la heli karro haddii aad u baahan tahay.

TAad bogga xaggiisa sare