Dhaqso uga bax bogga!
Galmada

Rabitaanka galmada

Sexlust - somaliska

Dadka intooda badan ayaa ku dhasha jidh dareemi karan raaxo iyo kacsi. Rabitaanka galmada ayaa laga dareemi karaa jidhka oo dhan. Waxaa laga yaabaa in la dareemo sida ayadoo ay xanxanto iyo gariir in meelo kale ee jirka laga dareemayo galmada.

En person sitter med en uppslagen bok men ser ut att tänka på någonting annat och ser glad ut. Illustration.

Dadka qaar ayaa inta badan ka fekera galmada. Dadka kale mar dhif ah ayay ka fikiraan galmada. Inta lagu jiro da’da labaatan jirka ayaa waxaa caadi ah in wax badan laga fekero waxyaabo ku saabsan galmada. Ku ma jiraan wax qalad ah in aad kafikirto galmada mise aad dareento kacsi. 

Rabitaanka galmada oo aad u kala duwan.

Waa caadi in la dareemo  xiise badan oo loo hayo galmada haddii aad niyad dabacsan tahay oo aadna ladan tahay. Waxa laga yaaba in aad dareento hami galmo aad u qabto keliya dadka aad jaceshahay, mise waad dareemi kartaa adigoon jecleen. Badanaaba waa wax wacan in laga fekero hamiga galmada.

 In maskaxda laga sawirto galmada. 

Waa caadi  inaad lahaato riyooyin ku saabsan galmada. Dadka qaar baa ku abuurta maskaxdooda sheekooyin dhan ee ku saabsan galmada. Inaad maskaxda ku sawirato mecnaheeda waa adigoo raba inaad dhab ahaan u tijaabiso laakiinse sidaa inuu mecnuhu noqdo ma ahan.

Waxaad maskaxda ku sawiran kartaa wax walboo aad rabto. Dd badan baa maskaxda wax ku sawirta isla marka ay isa salsalaaxayaan.

Waxaad sahamin kartaa jirkaaga.

Waxaa jira meelo xasaasi ah jirka oo dhan. Gacmahaaga ha sahamiyaan jirka si ay oga helaan meelo ay dareemaan raaxo. 

Markaad raaxeysaneyso waxey dhistaa xiisaha jirka kujira. Waa wax wanaagsan. 

Waxaad si dheerad oga akhrisan kartaa sida nafsadaada ugu raaxeyn kartid qoraalada ku saabsan siigeysiga

Maxaa ku dhacaya jirka?

Marka dareenkaagu kaco waxaa dhiig badan soo galaya xubinta tarankaaga. Faruuryaha siilka iyo kintirka ayaa bararo. Siilka waxaa ka imaanaya dheecaan kaasoo ka dhigaya xubinta mid qoyan. Siilka ayaa furmaya oo noqonaya mid sii godan. 

Guska wuu bararaa oo noqdaa mid adag. Xaniinyaha isku yimaada. Guska aya ka imaanaya dheecaan yar kaasoo qoya dhafada.

Wadnaha ayaa saaid u qaraacmaya, neeftana boobsiinaya iyadoo jirkada oo noqonayo mid kulul.Marka tahay qof dareenkiisa kacay ayaa waxaad noqon kartaa qof wareera oo jiric-ricyoodo. Waxaa la dareemi karaa sida dhulku ruxmayo. 

Jirka ayaa laftiisa isdifaaci kara.

Waxaad heli kartaa guska oo iska kaca ama siilka oo iska qoyan adoon wax kacsi ah dareemin. Waxay taasi dhacdaa tusaale ahaan habeenkii marka aad hurudo oo aad riyooneyso. Waa hab jirka uu ku tababaranayo.

Mararka qaar kood waxaad dareemeysa dareen kacsi ah sabab la’aan.Waxaa la dareemayaa sida in jirka u nool yahay nolal ugaar ah, hadii aad kacsato ama siilka uu noqdo mid qoyan adigoon garaneynin sababta.

 Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in aad tahay mid dareenkisa kacay, laakiinse guska ayaan kicin ama siilkan ayaan qoyin oo bararin. Taasi la yaab ma leh. Waxaa laga yaabaa in sababta ay tahay inaad yara walwalsan tahay ama welwelsan tahay.

Kacsiga iyo raaxada

Kani waa filim ka socda RFSU.

TAad bogga xaggiisa sare