Dhaqso uga bax bogga!
Aniga

Xuquuqda aadamaha

Mänskliga rättigheter - somaliska

Xuquuqaha aadamahu waxay ku saabsan tahay inaad ku noolaato nolol wanaagsan. Waxaad xaq u leedahay waxbarasho iyo daryeel caafimaad. Waxaad xaq u leedahay in si caddaalad ah laguula dhaqmo iyo xuquuqda aad wadan kale ugu qaxi karto haddii aad khatar ku suggan tahay.

Två unga möter en vuxen som säger "Welcome, I will take you to a place where you can rest." Illustration.

Xuquuqda aadamaha waxa qoray hay'ada Qaramada Midoobey. Waxa weeye qoraal ku boorinaaya in dhammaan wadamada dunida ay qaataan masuuliyadooda si uu qof kasta ugu noolaado nolol wanaagsan. Ma aha sharciyo, laakiin waxyaabo badan oo halkaa ku qoran ayaa wadamada intooda badan saxeexeen oo ay balan qaadeen inay oofiyaan.

Heshiiska Yurub iyo heshiiska caalamiga ah ee carruurta

Sidoo kale waxa jira sharciyo xuquuqal iinsaanka ah oo ay tahay in la raaco. Yurub waxa ka jira sharciga la yidhaa heshiiska Yurub (Europakonventionen). Heshiiska yurub waxa uu sharci ka yahay Iswiidhan.

Iswiidhan sidoo kale waxay qayb ka tahay sharciga heshiiska caalamiga ah ee carruurta (barnkonvention). Sharcigan ayaa waxa uu ka koobahan yahay xuuquuqda carruurta da’adoodu ka hoosayso 18 jir.

Dhammaan shuruucda iyo go’aanmada Iswiidhan waa in ay waafaqaan heshiiska Yurub iyo heshiiska caalamiga ah ee caruurta.

Tusaale ka mid ah xuquuqda aadamaha

Halkan waxa ku yaala tusaale ka mid ah xuquuqda aadamaha oo saameyn kara noloshaada:

  • Waa inaad ka qeyb qaadato oo aad go'aamiso waxyaalaha ku saabsan adiga noloshaada.
  • Marka ay dadka waaweyn gaadhayaan go'aan saameynaaya ilmaha yar, waa inay markasta ka fikiraan waxa u wanaagsan ilmaha.
  • Carruurta iyo da'yarta waa in laga ilaaliyo dagaalka iyo isticmaalka maandooriyaha.
  • Carruurta waa in aan lagu qasbin inay shaqeeyaan.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad lahaato ra'yigaaga kuu gaarka ah oo aad sheegto waxa ay adiga kula tahay iyadoo aad wax ka qorto, ka hadasho ama aad filim ka sameyso. Laakiin haddii ay taasi tahay wax dhib ku ah dadka kale ma aha inaad markasta sheegto waxay kula tahay.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad u baxsato waddan kale haddii dabagal lagugu sameynaayo ama haddii naftaadu ay khatar ku suggan tahay.
  • Wadamadu waa inay qaabilaan qaxootiga oo ay kana caawiyaan sidii ay nolol wanaagsan usameysan lahaayeen.
  • Waxaad xaq u leedahay caafimaad wanaagsan, iyo daryeel caafimaad markaad u baahato.
  • Waxaad adigu xaq u leedahay inaad go'aansato cida aad guursaneyso, iyadoo aanay cidi kugu qasbi karin inaad guursato.
  • Waxaad la xuquuq tahay cida ku qabta, iyadoo ay tahay inaan si ka xun laguula dhaqmin.
  • Waxaa xaq u leedahay inaad waxbarasho hesho si aad bulshada dhexdeeda iskugu dabarto.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad mushahar ka hesho shaqo iyadoo ay shaqadu tahay mid suggan oo ammaan ah.
  • Waxaad xaq u leedahay nasasho iyo fasax.
  • Waxaa xaq u leedahay inaan lagu takoorin.
  • Dugsigu waa inuu ardey kasta siiyo aqoon ku saabsan xuquuqdooda.
  • Siyaasiyiintu waa in marka ay wax qo'aaminayan raacaan xuquuqda aadamaha.

Haddii aan la raacin xuquuqda aadamaha

Waxaad soo wargalin kartaa booliiska, Diskrimineringsombudsmannen, DO ama Barnombudsmannen, haddii aad u aragto inuu qof ku xad gudbey xuquuqdaada aadamaha. 

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Midib takoortka

Midab takoorka waxey ka dhigan tahay in lagula dhaqmo si ka qiime hooseeya dadka kale ayadoo ay ugu wacan tahay jinsigaaga, diintaada, da`daada, lab ama dheddig waxaad tahaya ama halka aad ka timid. Xitaa waa midab takoorid haddii laguula dhaqmo si dadka ka liitada ayadoo ay sababtu tahay in tusaale ahaan aad isticmaasha gaariga curyaamada ama waxaad ka dhantaalan tahay xagga wax aragga. Ama waxaad dareemeysa sida in aad leedahay jinsi kale oo ka duwan jirkaaga uusana u dhigmin. Waa sharci darro in qof la midab takooro.

TAad bogga xaggiisa sare