Ka Ganacsiga-dadku

Människohandel - somaliska

Ka ganacsiga-dadka ayaa sidoo kale lagu magacaabaa mukhalisnimo. Waa marka qof ama dhawr qof laga faa’iidaysto/la isticmaalo, si looga helo lacag. Tusaale ahaan waa dadka kugu khasba in aad iibiso galmo, u shaqayso ama iibiso maan-dooriye.

En person som sitter i baksätet på en bil, och ser bekymrad ut.

Waa hadii lagugu khiyaameeyo waxa aad samaynso, ama sidii aad u noolaan lahayd. Way dhacadaa in lagu cabsi galiyo oo laguu hanjabo.

Tusaale ahaan sidan oo kale ayay noqon kartaa:

  • In qof ku idhaa waxaan kaa caawinayaa meeshii aad seexan lahayd. Hadaba si aad halkan u seexato waa in aad iibisaa dooroogo ama maan-dooriye.
  • In uu qof ku idhaa waxad shaqo ka helaysaa wadan kale. Oo isagu kuu hagaajiyo safarkaaga iyo meesha aad seexan lahayd. Isla markaana wadanka cusub aad ku khasbanaato in aad iibiso galmada, islamaarkana ay ku soo gaadho xadgudubka galmada la xidhiidha. Adiga oo naftaada lacag aad u yar ku hela.

Ka ganacsiga-dadku waa danbi

Kuwa ku khiyaameeya ama kugu khasba in aad iibiso galmada, waxay mutaysanayaan ciqaab xabsi ah. Sidoo kale waa sharci daro in aad ka caawiso qof kale, tusaale ahaan in aad gaadhi ku qaado ama aad u diyaariso meel la seexdo.

Waxaad dareemaysaa in ay adagtahay in aad xaaladan ka xorowdo, haseyeeshee waxaad u baahantahay qof ku caawiya ama ku badbaadiya.

Qof hore u iibin jiray galmada ama ay ku dhacday ka ganacsiga dadku, waxa uu xaq u leeyahay caawimo. Macno ma samaynayso hadii aad danaynaysay qofka ku isticmaalay iyo hadii kaleba. Sidoo kale waxa macno ah malaha hadii aad ogeyn bilowgiiba in aad galmo iibin doonto iyo hadii kaleba. Qofka ku isticmaalay ama kaa faa’iidaysatay ayaa danbiile ah.

Muxuu yahay fikkirkaada ku aadan qoraalkaan?

TAad bogga xaggiisa sare