Dhaqso uga bax bogga!

Jidhka

Kroppen - somaliska

Meniiga hoose waxaad ka heleysaa qoraallo, sawirro iyo filimaan ku saabsan jirka.

Current articles

  • Filim: Adiga ayaa ka go’aaminaya jirkaaga

    Dhamaan dadka waxay xaq uleeyihiin in ay go’aan ka gaaraan xaalada jirkooda. Waa xuquuq bani’aadanku leeyahay laakiinse maxay tahay micnaheeda?

  • Maxaa jidhka ku dhaca xiliga baaluqa?

    Halkan waxa ku dhigan sawiro muujinaaya waxa jidhka ku dhaca xiliga baaluqa. FIIRO GAARA! Sawiro xasaasi ah.

  • Maxaa jidhka hablaha ku dhaca xiliga baaluqa?

    Halkan waxa ku dhigan muuqaal muujinaaya waxa jidhka ku dhaca xiliga baaluqa. FIIRO GAARA! Sawiro xasaasi ah.

  • Filim: Talooyin si aad uga wanaagsanato

    Miyaad ogsoon tahay inaad adigu sameyn karto waxyaalo kala duduwan si aad uga wanaagsanaato (sidii aad dareen fiican u dareemi lahayd) oo aad tamar ka badan ugu hesho? Halkan waxa ku qoran afar talooyin!

  • Talooyin lagu siinaayo si aad si fiican ugu seexato

    Waxa muhiim ah in si wanaagsan loo seexdo si loo caafimaad qabo. Laakiin waxa caadi ah in marmarka qaarkood aan loo seexan si wanaagsan. Taasi waxay tusaale ahaan ku xidhan tahay inaad warwarsan tahay iyo in warwar aad qabto. Halkan ayaad ka ogaan kartaa waxaad sameyn karto si aad si ka wanaagsan ugu seexato, iyo waxaad caawimo heli karto.

  • Guska iyo xiniinyaha

    Halkan ayaad ka akhriyi kartaa qeybaha kala duduwan ee guska iyo xiniinyaha iyo sida guskaaga iyo xiniinyahaagu u shaqeeyaan. Guska iyo xiniinyaha waa qeyb jidhka oo wanaagsan taas oo kaadiyi karta, galmo sameyn karta, xawo soo saari karta oo dareen wanaagsan leh.

  • Xubinta taranka dumarka

    Halkan ayaad ka akhriyi kartaa qeybaha kala duduwan ee xubinta taranka dumarka iyo sida ay xubinta taranka dumarku u shaqeyso. Xubinta taranka dumarka waa qeyb jidhka oo wanaagsan taas oo kaaji karta,caadadu ka timaado, galmo sameyn karta, carruurta ka soo dhalatto oo dareen wanaagsan leh.

  • Sawiro taxan: Ma jiro wax xuubka bikirka ahi

    Lama arki karro lagamana dareemi karro siilka, haddii tusaale ahaan, aad galmo sameysay ama aad isticmaashay tampong (cudbiga dhiiga caadada ka nuuga siilka). Dadka intooda badan ma dhiigaan marka ugu horeysa ee ay galmo sameeyeaan, maxaa yeelay siilku waa uu furan yahay.

  • Caadada

    Caadadu waxa weeye dhiig ka yimaada ilmo galeenka oo ka soo baxa siilka qiyaas ahaan hal mar bishiiba.

  • Waxyaala la iskaga dhowro caadada

    Waxa jira afar shay oo aad soo iibsan karto oo dhiiga caadada la iskaga ilaaliyo: binda, trosskydd, tampong iyo menskopp. Dhamaantood marka laga reebo menskopp waxa laga heli karaa tukaamada cuntada, kiosk-yada iyo farmasiiyada. Menskopp-ka waxa laga iibsan karaa internedka iyo farmasiiyada qaarkood.

  • Waa maxay caadadu?

    Muuqaalka ayaad ku ogaanaysaa waxa jidhka ku dhacaaya markaad caadada hesho.

  • Filim: Maxaa jidhka ku dhaca marka ilme sameysmaayo?

    Waxa laga yaabaa inaad og tahay in ilmo sameysmi karaan marka ay wiil iyo gabadh isku tagaan. Laakiin miyaad og tahay waxa jidhka gudahiisa ka dhaca?

  • Ilmo iska soo ridid

    Soo ridida ilmuhu waxey ka dhigan tahay in la joojiyo uurka. Adigaaga uurka leh ayaa go’aansanaya haddii aad rabto in aad ilmo iska soo ridid. Ma jiraan wax xad ee da’da ilmo iska soo ridida. Ilmo iska soo ridida kama dhigeyso in ay aad u adkaato inaad uur qaado mustaqbalka. Sidoo kale ma kordhiso khatarta in uu yimaado dhicis.

  • Sawiro taxan: Gudniinka xubinta taranka ee dumarka – xalaaleynta xubinta taranka

    Gudniinka xubinta taranka dumarka ayaa waxa sidoo kale loo yaqaanaa xalaaleynta xubinta taranka. Taasi micnaheedu waxa weeye in qof uu gooyey ama uu dhaawacay qaybo ka mid ah xubinta taranka ee dumarka. Waxa jira caawimaad fiican oo aad heli kartid haddii aad dhibaato dareemayso gudniinka kadib. FG: sawirro xassaasi ah!

  • Filim: Kawaran hadii gusku ii kici waayo

    Simon waxa uu ka cabsi qabaa in guskiisa uu kici waayo.

  • Filim: Kubada-cagta, dhiiga-cadada & galmada

    Maryam xanuun badan oo dhiiga cadada ah baa haya. Amanda waxay ka warwarsan tahay in ay uur leedahay.

TAad bogga xaggiisa sare