Alternate Text

Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka.

Skydd mot könssjukdomar

Kondhoomka ayaa ah sida caadiga ah ee la iskagailaaliyo cudurada xubnaha taranka marka aad galmooneyso. Waxa ugu wanaagsan waxa weeye inaad marka hore ka wada hadashaan waxaad iskaga ilaalineysa inta aydaan galmo sameyn. Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka waa wax aad labadiinuba masuul ka tihiin.

Siyaabaha kala duduwan waa ay kala sugan yihiin

Waxa jira siyaabo kala duduwan oo loo galmoodo. Waxaad sameyn kartaa galmo taas oo aan cidna wax qaadsiin karin adna aanad wax cudurad xubnaha taranka ka qaadi karin. Galmad salaaxa ayaa taas ka mid ah. Galmada afka ayaa taas ka mid ah.

Uma baahnid inaad ka warwarto cudurada xubnaha taranka haddii midkiina aanu hore galmo u soo sameyn.

Kondhomka ayaa ah waxa la iskaga ilaaliyo oo wanaagsan

Si aad isku ilaaliso markaad galmoonayso waxa wanaagsan inaad kondhoom isticmasho. Kondhoomku waxa weeye ilaalo khafiif ah taas oo uu gusku kala fidiyo marka uu kaco, ka hor galmada.

Waxa muhiim ah in kondhoomka la xidhnaado xiliga galmad oo dhan, si ay taasi kaaga ilaaliso cudurada xubnaha taranka.

Kondhomka wax laga soo iibsan karaa farmasiiga, kioska iyo tukaanka cuntada iyo internedka. Xarunta  ungdomsmottagningar ayaad intooda badan sidoo kale ka heli kartaa kondhoom.

Femidom

Femidom waa ilaalo kale, kaas oo la mid ah kondoomka. Waxaad galineysaa siilka marka aad galmo sameynayso. Waxaad wax dheeraad ah oo ku sabsan femidom ka akhriyi kartaa kahortagga uurka. 

    /

    Qalabka

    Kondhoomada intooda badan waxa laga sameeyey cinjir khafiif ah. Waxa sidoo kale jira kandhoom ka sameysan balastig, kaas oo aad isticmaalayso haddii aad xasaasiyad ku leedahay caaga. 

    /

    Dhumucda

    Kondhoomku wuxuu leeyahay qiyaaso kala duduwan. Kondhoomada intooda badan balacoodu waa 5 cintimitir iyadoo dhererkoodu yahay 18-20 cintimitir.

    Balaca ayaa ka muhiimsan dhererka marka laga hadlaayo wanaaga kondhoomka. Wax micna ah ma laha haddii uu kondhoomku ka weyn yahay ama ka yar yahay guska.  

    /

    Keydinta

    Kondhoomka ma aha in lagu keydiyo meel qabow ama meel kulul. Ma aha in wax qabsado ama xooggo. Jeebka jaakeedka ama shandad ayaa ah meel wanaagsan. Kandhoomku waa inaanu gaboobin. Markaas ayay qalali karaan oo ay dilaaci karaan. Wakhti ayaa ku dhigan baakeedka.

    /

    Duxda

    Kondhoomada intooda badan waxay dusha ku leeyihiin dux. Waa maadad midab aan laheyn oo kandhoomka ka dhigeysa mid siibsiibta. Haddii aad dux isticmaalayso, isticmaal nooc la marin karro kondhoomka. Waxaad duxda ka heli kartaa farmasiiga. Kondhoomka ha la isticmaalin saliid ama kiriimka jidhka. Markaas ayuu kondhoomu go'i karaa.

Warbixin ku saabsan bogga

  • Tifaftire:

    UMO:s redaktion
  • Xaqiiqa-baare:

    Ummuliso