Dhaqso uga bax bogga!

Dagaal iyo dulmiyada

Våld & orättvisor - somaliska

Meniiga hoose waxaad ka heleysaa qoraallo, sawirro iyo filimaan ku saabsan kufsiga iyo caddaalad darrada.

Current articles

  • Filim: Midib takoortka

    Midab takoorka waxey ka dhigan tahay in lagula dhaqmo si ka qiime hooseeya dadka kale ayadoo ay ugu wacan tahay jinsigaaga, diintaada, da`daada, lab ama dheddig waxaad tahaya ama halka aad ka timid. Xitaa waa midab takoorid haddii laguula dhaqmo si dadka ka liitada ayadoo ay sababtu tahay in tusaale ahaan aad isticmaasha gaariga curyaamada ama waxaad ka dhantaalan tahay xagga wax aragga. Ama waxaad dareemeysa sida in aad leedahay jinsi kale oo ka duwan jirkaaga uusana u dhigmin. Waa sharci darro in qof la midab takooro.

  • Xadgudubka dhanka galmada

    Dhibaateynta galmada la xiriirta waa marka uu qof sameeyo ama sheego shey la xiriira jirka ama galmada, islamarkaana qofka kale u arko xad gudub. Dhibaateynta galmada la xiriirta ma aha wax fiican. Waxay noqon kartaa fal dambiyeed.

  • Soo wargalinta booliiska

    Waa inaad booliiska soo wargaliso haddii aad is leedahay waxa ku soo gaadhay fal danbi, ama haddii aad markhaati ka tahay fal danbi.

  • Xadgudubka galmada

    In qof lala sameeyo wax galmo ku lug leh isagoo aan rabin, ayaa ah xadgudubka galmada. Waxaad adigu heli kartaa caawimo haddii laguu geystey xadgudubka galmada.

  • Aniga qoyskaygu iima ogola in aan la shaaheeyo saxiibday ama aan u baxo safarada iskuulka

    Qoyskaygu waxa uu go’aamiyaa wax kasta oo aana sameeyo. Waxa jira waxyaabo badan oo aan la ii ogolayn in aan sameeyo. Ma raaci karo safarada iskuulka sidoo kale la ima ogola in aan la shaah la soo cabo saaxiibaday. Hadiiba ay ka shakiyaan in aanan toos u iman guriga iskuulka ka dib aad ayay u cadhoodaan oo way ii hanjabaan.

  • Filim: Adiga ayaa ka go’aaminaya jirkaaga

    Dhamaan dadka waxay xaq uleeyihiin in ay go’aan ka gaaraan xaalada jirkooda. Waa xuquuq bani’aadanku leeyahay laakiinse maxay tahay micnaheeda?

  • Sawiro is-dabayaal: Ka ganacsiga dadka

    Halkan waxa ku yaala sawiro is-dabayaal oo ku saabsan ka ganacsiga dadku wuu yahay iyo waxaad caawimo heli karto haddii adiga laguu geysto. Ka ganacasiga dadka oo sidoo kale loo yaqaano mukhalisnimada. Waa marka cid kaa faa’iidaysato ama ku isticamaasho si ay lacag kaaga sameeyaan. Tusaale ahaan waa dadka kugu khasba in aad iibiso galmo, u shaqayso ama iibiso maan-dooriye.

TAad bogga xaggiisa sare